Wararka aan ka deegaano ku yaalla duleedka Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG u ah Jubbaland ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas Maanta fatahaad uu ka sameeyay Webiga Jubba.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in Wabiga Jubba uu ku fatahay deegaanka Goobweyn, isla markaana dadkii ku dhaqanaa xaafadda Towfiiq ee deegaankaas ay gebi ahaan isaga barakaceen halkaas.
Sidoo kale waxaa hakad galay goobihii Waxbarashada, Ganacsiga iyo isku socodka dadweynaha, kadib markii ay biyo badan buuxsadeen gudaha deegaanka loo dalxiiska tego ee Goobweyn ee ku yaalla duleedka Magaalada Kismaayo.
Sidoo kale waxaa burburay dalagii beeraha ee ku teedsanaa Jiinka Webiga Jubba sida uu u xaqiijiyay Warbaahinta Guddoomiyaha deegaanka Goobweyn Cumar Cabdi.
Taliyaha Ciidanka Jubbaland Generaal Aadan Maxamuud Ibraahim oo kormeeray dhibaatada ka dhalatay Fataahadda ayaa shacabka Jubbaland ugu baaqay in la garab istaago walaalahood.