Kulanka ayaa ka dhacay magaalada Baydhabo maalmaha kala ah 6 – 7 November 2017.
Ujeedada kulankani ayaa ahaa sidii kor loogu qaadi lahaa wacyiga bulshada iyo maamulka magaalada si ay gacan uga geeystaan wax ka qabashada xaalada ba’an ee caruurta derbi-jiifka iyo caruurta shaqeeya.
Kulankaasi waxaa furay wasiir ku xigeenka wasaarada waxbarashada maamul goboleedka Koonfur Galbeed mudane Jabriil Maxamuud Adan, marka hore wuxuu u mahadceliyey maamulada iskuulada ee ka soo qeybgalay kulankaan wuxuu kaloo u mahadceliyey hay’ada EFASOM sida ay uga qeyb qaadato wacyigalinta Bulshada mana ah markii ugu horeysay ay timaado Deeganada Koonfur Galbeed wasaarda waxbarashada ee koonfur Galbeed way soo dhaweynaysaa EFASOM wuxuuna aad ugu nuux nuuxsaday muhiimada uu leeyahay kulankaan looga hadlaayo carruurta darbi jiifka iyo kuwa shaqeeyo wuxuuna ku booriyey reer Bay in ay u istaagaan arrinkaas.
EFASOM ayaa sharaxaad dheeraad ka bixisey Xaalada Caruurta Derbi-jiifka ama Shaqeeya.
Waxaa ku soo badanayay guud ahaan Soomaaliya Caruurta Wadooyinka ee Jiifata Darbiyada ama wax ka cunta meelaha Qashinka lagu soo qubo oo qaarkood aad arkayso iyagoo isticmaalaya daroogooyin ka tan badan sida Koolada 99-ka layiraahdo oo ay Nuugahayaan, xashiishada nooca Murjuwaanka la yiraahdo oo sida Sigaarka loo isticmaalo.
Waana xaalad ay wajahaan inta badan carruurta derbi jiifta ah ee magaalada Baydhabo, oo intooda badan ka soo cararay saboolnimo ku habsatay qoysaskooda. Waana xaalad aad u qalafsan in qofku ku noolaado gidaarada ama derbiyada isaga oo aan haysan cunno, hooy iyo daryeel caafiamad. Da’ ahaan Caruurta Darbi-jiifka ah waa kuwa u dhaxeeya 8 ilaa 18 Sano, waxaana ay ku noolyihiin Derbiyada iyo Wadooyinka hareerahooda. Waxaa kale oo adag in caruur yar yar shaqeeyaan si ay wax u taraan naftooda ayagoo da’dooda u dhexeeyso 7 jir ilaa 12 jir.
EFASOM ayaa sharaxaad dheeraad ah ka bixisey Xuquuqda Caruurta
llmuhu waxay xaq u leevihiin waxbarasho dawladda avaana damaanad qaadavsa ina u waxbarashada aasaasiga ah av noqoto mid qasab ah oo lacag la ‘aan ah inav dhiirigaliso in noocyada kala duwan ee dugsiyada sare av noqoto mid u furan canug kasta ayna ka dhigto tacliinta sare mid av cid walba ku heli karto karaankeeda. Aadaabta iskuulka waa inay la socotaa xaqa ivo sumcadda ilmaha.
Qodobka 28aad (HESHllS KU SAABSAN XUQUUQDA CARRUURTA – Convension of Child Rights) wuxuu qorayaa:
Oarammada Xubnuhu waa inay aqoonsadaan xaqa ilmuhu u leeyahay waxbarasho iyo si loo gaaro xaqaan tartiib-tartiib, saldhigna ay u tahay fursado isku mid ah waa inay gaar ahaan:
a) Waxbarashada aasaasiga ah ka dhigaan mid khasab ah cid walibana ay ku heli karto lacag la’aan;
b) Ohiirrigeliyaan noocyada kala duwan ee waxbarashada dugsiyada sare oo ka kooban caadi iyo waxbarasho mihnadeed, la suurto galiyo helitankooda ilmo uu gali karo lana qaado tallaabooyinka ku habboon sida soo rogid waxbarasho lacag la’aan ah iyo bixin kaalmo lacageed haddii loo baahdo;
c) Ka dhigid waxbarashada sare mid ay geli karto cid waliba ayadoo aasaas looga dhigayo awoodda dariiq kasta oo ku habboon;
d) Samayn macluumaad waxbarasho iyo mihnadeed iyo hanuunin ay heli karaan ayna gali karaan dhammaan carruurtu;
e) Samayn tallaabooyin dhiirrigalin iyo imaatin joogto ah ee dugsiyada iyo yaraynta tirada ka tagta;
*******
Qodabada Dooda Maalinta 1aad:
Kasoo qeyb galayaasha waxaa loo kala saarey laba koox
• Kooxda 1aad:
Jawaabta :
• Faallo kooban ka bixi xaalada guud caruurta ku dhibaateeysan magaalada Baydhabo.
• Waxaa magaalada Baydhabo ka jirto carruur badan oo dhibaateysan hadana isticmaalo daroogada.
• Ma heystaan hoy, cunto, waxbarasho iyo caafimaad
• Dhibaatada kale oo jirto waxaa weeye waxay isku qalaan sakiin ama waxay isku mudaan mindi taas oo dhibaatada ugu weyn ee ccarrutrta darbi jiifka iyo kuwea shaqeeyo heysato.
• Sidee ugu sahlan ee loo caawin karaa caruurta derbi-jiifka iyo kuwa shaqeeya ee magaalada. Ma jiraan xarumo lagu xanaaneeyo caruurtaasi?
• Waxaa lagu caawin karaa in ay dowladda ama hay’adaha caalamiga ah ay sameeyaan xarun lagu dhaqan celiyo carruurta darbi jiifka.
• Carruurta waa in wax lagu baraa xarumahaas.
• Carrurrta shaqeeyso inta badan waxay u shaqeeyaan waalidkood iyagana waa in waalidka lagu dhaqaaleeyo ama dowladda ama hay’adaha caalamiga ah ay u qoondeeyaan xoogaa lacag ah islamrkaana dabagal lagu sameeyo waxbaeshadiisa.
• Baydhabo malaha xarumoi lagu xannaaneeyo carrurta darbi jiifka iyo kuwa shaqeeyo lkn waxaa jirto xarumo agoon.
Shaqo Wadareed Maalinta 1aad:
• Kooxda 1aad:
• Sidee lagu xaqiijin karaa in caruurta dhibaateysan (derbi-jiifka iyo caruurta shaqeeya) loo helo waxbarasho.Sheeg farsamadii, meelaha uu ka imaan karo dhaqaalaha lagu caawinayo caruurtaasi, cida mudan in lagu aamino in caruurtaasi caawiso, iwm
Jawaab.
 Waxaa waxbarshado looga heli karaa xarumo gaar ah sida:
 Boarding School
 Orphanage College
 waxaa lagu horumarin karaa carruurta in dowladda iyo hay’adaha caalamiga ay gacan isku siiyaan horumarinta waxbarshada carruurta darbi jiifka iyo kuwa shaqeeya.
 In la sameeyo guddi dhaqaale ururin ah
 guddiyadaas oo ka kooban dowladda, bulshada rayidka, ganacsatada iyo culumaa’udiin
Kooxda 2aad:
• Maxay tahay xaalada dhabta ah ee ka jirta caruurta ku dhibaateysan magaalada Baydhabo(derbi-jiif iyo kuwo shaqeeya). Mala qayaasi karaa sida ay noloshooda ku maareeyaan caruurtaasi: hoyga, cunada, dharka, difaaca nafta)
ï¶ Waxay carruurta ku jiraan xaalad adag oo aan la qiyaasi Karin sababtoo ah ma heystaan caafimaad iyo waxbarasho.
ï¶ Carrurta darbi jiifka Baydhabo ma heystaan hoy,cunto taas waxaa uga daran haddii uu roob yimaad ma heystaan gabaad ay ka galaan.
ï¶ Noloshooda waxay ku maareeyaan waxay cunto ka raadsadaan meelaha qashinka lagu soo shubo.
ï¶ Mararka qaar waxaa dhci karto in laga shakiyo kadibna ay dhibaato ku timaado.
Qodabada Dooda: Maalinta 2aad
Sidee lagu joojin karaa ama looga hortagi karaa si aan looga faaiideysan caruurta wadooyinka ku dayacan iyo dhibaatada ay ku jiraan?
 In ay helaan wacyigalin badan
 In loo helo gobo lagu xannaaneeyo
 In loo helo waxbarsho lacag la’aan ah haddana qasab ah
 In la geeyo goob amni ah
 In shaqo abuur loo sameeyo lana baro xirfado kala duwan oo ay ku shaqeysan karaan
 Goobo ay ku ciyaaraan in loo sameeyo
 in bulshada qeybaheeda kala duwan ay u sameeyaan carruurta darbi jiifka iyo kuwa shaqeeya dhiirigalin dhinac waxbarshada
 In la helo dhaqaale laguy horumarinaayo carruurta darbi jifka iyo kuwa shaqeeya
Maxay tahay arimaha fududeeya in lagu xadgudbo caruurta?
 Amni daro
 dhaqaalo daro heysto carruurta
 Daryeel la’aan
 kala tagid qoyska
 in lagu shaqeysto carruurta laguna qaado alaab culus oo aysan qaadi Karin
Sheeg nooca xadgudub ee la kulmaan?
Jirdil
Xadgudub jinsiyadeed
Faquuq
Hanadadaad
In ciidanka loo isticmaalo
Cay ama aflagaado loo geysto
Sidee Caruurta dib loogu celin karaa goobaha waxbarasho? Sheeg farsamadii loo mari lahaa?
o In bulshada qeybaheeda kala duwan ay xil iska saaraan carruurta darbi jiifka ah iyo kuwa shaqeeya waxbarashadooda.
o Wacyiglin dhinac bulshada in la sameeyo
o In goobaha waxbarshada laga dhigo lacag la’aan lana soo celiyo waxbarshadii qasabka aheyd
o In Waalidiinta carruurta loo sameeyo shaqo abuur
o In la helo dowladda ka faalo qaadi karto carruurta darbi jiifka ah iyo kuwa shaqeeya
o In loo helo dhaqaalo ku fulin islamarkaana ay wax ku baran karaan
o In daladaha dalka ka jiro ay ka faalo qaadan waxbarashda carruurta darbi jiifka ah iyo kuwa shaqeeya
o In la sameeyo dhaqaalo ururin
o In la sameeyo guddi isku dhaf ah oo ka kooban qeybaha bulshada loona xil saaro dhaqaalo ururinta carruurta darbi jiifka iyo kuwa shaqeeya
o In loo sameeyo hoy iyo goobo waxbarsho oo u dhameystiran yihiin agabkii waxbarsho
Shaqo Wadareed Maalinta 2aad:
• Kooxda 1aad:
• Maxaa lagu difaaci karaa xuquuqda caruurta derbi-jiifka iyo kuwa shaqeeya si aan looga faaiideysan dhibaatada ay ku sugan yihiin?
ï¶ Waa in la helaa marka hore amni
ï¶ In la helo sharci lagu difaaco carruurta darbi jiifka iyo kuwa shaqeeya
ï¶ waa in lagu dhiirigaliyaa carruurta faa’iidada ay leedhay waxbarshada
ï¶ Waa in la helaa ururo u dooda xaquuqda carruurta darbi jiifka ah iyo kuwa shaqeeya
ï¶ Waa in la helaa dhaqaalo lagu maareeyo
ï¶ Waa in la helaa bulsho garab istaagto carruurta darbi jiifka iyo kuwa shaqeeya
ï¶ Waa in la helaa goobo waxbarasho oo lacag la’aan ah
Kooxda 2aad:
Qaabkee ugu sahlan ee waxbarashada caruurta derbi-jiifka iyo kuwa shaqeeya sare loogu qaadi karaa?
• Marka hore waa in la helaa amni
• In la helo goobo wax lagu baro
• In la wacyigaliyo amal la dhiiirigeliyo carruurta iyo waalidiintooda
• Waa in loo helaa waxbarsho lacag la’aan
• Waa in la helaa macallimiin Tayo leh loona helaa mushaar ku filan
• Xirfado shaqo in ay helaan
Bahda EFASOM waxay bulshada Soomaaliyeed gebi ahaanteed ku baraarujinayaan in haddii aan si degdeg ah wax looga qaban ay dhumi doonaan laba fac (ama labo Jiil) oo Soomaali ah, kuwaas oo noqon doona qayb ku talfa goobaha qashinka macaluul iyo dacdarro awgeed, iyo qayb noqon doonaan kuwo aan waxna qorin waxna akhrin oo seega waxbarahada asaasiga ah, arintaas oo halis weyn ku ah jiritaanka mujtaaca Soomaaliyeed qarnigan 21aad.
DHAMAAD