Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa beeniyey warar sheegayay in wasaaraddiisu ay kordhisay canshuuraha la qaado.
Cabdiraxmana Ducaale Bayle ayaa warbaahinta Soomaalida u sheegay in dawladdu damacsan tahay inay hirgeliso canshuurta iibka ee laga qaado alaabooyina la qaado, waxaana uu sheegay in bixinta canshuurta iibka ay lagama maarmaan u tahay jiritaanka dawlandimada.
Warbaahinta dalka qaarkood ayaa Saacadihii la soo dhaafay waxa ay qorayeen in Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya kordhisay Canshuurta laga qaado Dekadda Weyn ee Muqdisho balse taasi uu beeniyay Wasiirka.
Wasiir Beyle ayaa sheegay in Warkaas uu yahay mid been abuur ah oo aan waxba ka jirin.
Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka.