Sawirro:-Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa Dalka Jabuuti

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko oo booqasho ku jooga dalka Jabuuti, ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay Taliyaha Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Jabuuti G/sare Cabdullaahi Cabdi Faarax.

labada Taliye ayaa kawada hadlay qodobo ay kamid ahaayeen , Xoojinta xiriirka labada Talis ka dhaxeeyo, isdhaafsiga qibradaha dhanka ammaanka ku saabsan, kordhinta tababarada Jamhuuriyadda Jabuuti ay siiso Dawladda Soomaaliya, in la iska kaashado sugida nabad gelyada si wadajir ah iyo arrimo kale.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, ayaa kulankaan waxaa ku wehlinayey Taliyaha Hoggaanka baarista dambiyada ee C.I.D S/guuto Saciid Axmed Kediye, Taliyaha hoggaanka Canshuuraha Ciidanka Booliska S/guuto Cabdullaahi Xasan Bariise iyo Saraakiil kale.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media