Dabkaan ayaa waxa uu ka kacay guri ku yaallo xaafada Towfiiq ee degmada Yaaqshiid isaga oo baabi’iyay dhowr guri uu ku yaallo Xaafadaas sida ay Dalsan u sheegeen qaar ka mid ah dadka ku nool xaafada uu dabka ka kacay.
Dabka ayaa markii hore ka kacay Guri ku yaallo meel u dhow Iskuulka Imaamu Seylici balse markii dambe uu ku sii fiday Guryo kale oo ku dhowaa taas oo keentay in khasaaraha dabkaasi uu geystay uu sii bato.
Ilaa dhowr guri ayaa la shegay in uu baabi’iyey dabka,iyada oo dhammaan hantidii iyo agabkii yaalla guryahaas ay bas beeleen.
Mid ka mid ah dadka ku nool Xaafada Towfiiq ee Degmada Yaaqshiid oo lagu Magacaabo Sahro Muumin ayaa sheegtay in dabka uu ka bilaawday koronta kadibna guryo kale uu ku sii fiday.
Dadka ku nool Xaafada Towfiiq iyo Maamulka degmada ayaa u gurmaday,waxana Ugu Dambeyn Lagu Guuleystay In Debkii La Demiyo.
Hoos Ka Daawo Sawirrada Guryaha uu dabka baabi’iyey.