Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Gaas Bashiir Cabdi Maxamed “Ameeriko†ayaa kulan la qaatay ku-xiggeenka Safiirka dawladda Turkiga ee Soomaaliya Mudane Cali kan Aksooy iyo Saraakiil tababarayaal Ciidan ah oo ka socda Dugsiga tababarka TurkSom Ee magaaladda Muqdisho.
Gen.Bashiir “Ameeriko†ayaa kala hadlay Mudane Cali kan Aksooy dardar galinta tababarada Turkiga uu siiyo Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ka qeyb qaadista horumarinta Booliska iyo qodobo kale.
Dugsiga tababarka Ciidanka TurkSom ee ku yaalla deegaanka Jaziira ayaa tababaro kala duwan waxaa ku qaadanayo Qaar kamid ah Ciidanka Booliska, kuwaasi oo isugu jira Saraakiil iyo Saraakiil Xiggeen.