Sawirro:-Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka Labada Dal

Wasiirka arrimaha dibedda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya Amb; Axmed Ciise Cawed iyo Safiirka Turkiga u jooga Soomaaliya Olgan Bekar, ayaa ka wada hadlay habka loo xoojin karo wada shaqaynta Labada Dal.

Kulankan oo ka dhacay xarunta wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa lagu Lafa guray sidii Dowladda Turkiga ay usii Laba jibbaari lahayd taageerada ay siiso Soomaaliya.

Intii lagu guda jiray kulanka ayaa labada dhinac waxay is dhaafsadeen arrimo dan u ah Labada dal, waxayna sidoo kale isla soo qaadeen sidii sare loogu qaadi lahaa xiriirka qotoda dheer ee ka dhexeeya Labada Waddan iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga Walaaltinimo ee wax wada qabsi.

Amb;Olgan Bekar, ayaa dhankiisa ballan qaaday inuu waddankiisa Turkiga adkayn doono xiriirka ka dhexeeya Labada dhinac, wuxuna sheegay inuu Dalkiisu adkayn doono doorkooda ku aaddan garab istaagga iyo gargaarka ay siiyaan walaalahooda Soomaaliya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media