Magalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa kulan ku yeeshay hoggaamiyaha Aqlabiyada ee Baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale iyo Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliland,waxana kulankooda ay uga hadleen qodobo dhowr ah.
Labada masuul ayaa kulankooda waxaa ku wehlinayay safiirka Soomaaliland u fadhiya dalka Kenya,waxana ay kawada hadleen Arrimaha Ganacsiga labada dal.
hoggaamiyaha Aqlabiyada ee Baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa sheegay in la isku raacay kordhinta Ganacsiga Soomalailand iyo Kenya iyo sidoo kale sidii shirkadaha dalka Kenya Ganacsi uga furan lahaayeen Soomaaliland.
Kenya ayaa waxay ka mid tahay wadamada taageera Soomaaliland oo aaminsan inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale wallow aysan helin aqoonsi.