Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ahna hogamiyaha madasha Xisbiyada Qaran iyo wakiilka QM ee Soomaaliya Ambassador James Swanayaa kulan wadajir ah ka yeeshay xalaadda Galmuudg gaar ahaan arrimaha doorashada maamulkaas.
Labada masuul ayaa kulankooda iskula soo qaaday khilaafka ka taagan doorashada Galmudug iyo sida xal looga gaari karo iyada oo la wadahadlsiinayo saamilayda siyaasadda maamulka Galmuudg.
Doorashada oo khilaaf badan hareeyay ayaa waxa ay ugu baaqeen dowladda Soomaaliya in ay dejiso xiisadda iyo doorasho loo simanyahay laguna wada qanacsanyahay ay ka dhacdo halkaas taas oo lagu gaari karo wadahadal iyo isku tanaasul.
Wakiilka QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Ambassador James Swan ayaa ugu dambeyn ku baaqay in saamilayda Siyaasadda Galmudug ay isku yimaadaan miiska wadahadlka,isaga oo ugu baaqay in doorasho lagu wada qanacsanyahay ay ka dhacdo Galmudug.