Magaalooyinka waaweyn ee Maamul Goboleedyada dalka ka jira ayaa waxaa xalay lagu qabtay xuska sannad-guurada 59-aad ee ka soo wareegtay markii Gobollada Koonfureed ay xorriyaddooda la soo laabteen, isla markaasna ay is-raaceen Koonfur iyo Waqooyi.
Magaalada Kismaayo, Baydhabo, Jowhar,Dhuusamareeb iyo Magaalada Garoowe ayaa si isugu mid ah xalay looga dabaaldagay Xuska Musaasabadda 1-da Luulyo,iyadoona ay ka qeyb galeen Madaxda maamul Goboleedyada dalka.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Munaasabada 1-da Luulyo oo ku beegan 59 sano kadib markii Gobolada Koonfureed ay xoriyada ka qaateen guumaystihii Talyaaniga iyo Midowgii Gobolada Waqooyi iyo Koonfur ee dalka,
Madaxwynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Lagta-gareen,ayaa hambalyo ku aadan Xuska Koowda Luuliyo Udirey Umadda Soomaaliyeed,sidoo kale Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa isna Hambalyo sare u diray Shacabka Somaliyed gaar ahaan Dadyowga Hirshabeelle.
Sidoo kale Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey maalinta Qaran ee 01 Luulyo oo xalay siweyn looga xusay Magaalada Garoowe.
Ugu dambeyntii Madaxa Xukuumadda Galmudug ayaa guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Munaasabada 1-da Luulyo,isla markaana sheegay inay maalin weyn ay tahay.