Magalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hosoe waxaa ka furmay shirka Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada oo ay ku mideysan yihiin Madaxda Maamul goboleedayda dalka ka jira.
Kulanka ayaa waxaa shir guddoominaya guddoomiyaha Golaha Iskaashiga Cabduweli Maxamed Cali Gaas ahna Madaxweynaha Maamulka Puntland,waxan goobjoog ka ah dhammaan madaxda Maamul goboleedyada iyo Wakiilka Qaramada midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya.
Madaxweynaha Jubbaland oo ka hadlay shirka  shirka ayaa aad uga hadlaya ahmiyadda ay leedahay arrimaha dastuurka dalka iyo ammaanka guu ee dalka,sidoo kale waxa uu hadlay arrimaha la xiriira garsoorka dalka iyo hay’addaha ka shaqeeya cadaaladda isagoo si qoto dheer uga hadlay in loo baahan yahay in arrimahaasi si taxadar leh loo wajaho.
Dhamaman Madaxda Dowlad Goboleedyada ayaa la filayaa inay khudbadajooda ka jeediyaan,iyaga oo ka hadli doonaa xaalada Siyaasadeed ee dalka iyo mowqifka khilaafka maamul goboleedyada dalka iyo Madaxda Dowladda.