Madaxweynaha Maamulka Puntland oo Khudbad ka jeediyey Shirka Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo quseeya xaalada siyaasadeed ee dalka.
Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali wuxuu aad uga hadlay arrimo la xiriiro balamo hore loo wada galay oo u dhaxeeyay dowladda dhexe iyo dowladaha xubanaha ka ah iyo heshiisyadii hore loo galay oo aan miro dhalin sida uu sheegay iyo in loo baahan yihiin in la iskala xisaabtamo.
“Waa in si dhab  la iskula xibaabtamaa arrimaha la xiriira kheyraadka dalka, Lacagaha kaalmada Soomaaliya la siiyo iyo halka ay ku baxdo ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.
Weli waxaa socda khudbadaha kala duwan oo ay jeedinayaan Madaxda ka qeyb galeysa Shirka Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ee ka socda Magalada Kismaayo.