ku xigeenka Agaasimaha Guug ee HSJ Col. Cabdifitaax Ibraahim Cumar Shaaweeye iyo Taliyaha Hogaanka Tababarada ee Boliiska Soomaaliya ayaa maanta tababar ku saabsan baarista iyo hubinta dukumentiyada u soo xiray saraakiil ka kala socotay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyada iyo Ciidanka Boliiska qeybahooda kala duwan.
Tababarkaan oo lagu baranaayay sida loo baaro Dukumeentiyada ayaa socday muddo laba Todobaad ah, waxaana bixinayay Saraakiil ka socotay Safaaradda Turkiga ee Muqdisho.
Kuxigeenka agaasimaha guud ee HSJ ayaa shahaado iyo hadiyado kale guddoon siiyey macallimiinta tababarka bixinayey.
Ugu dambeyn Ku xigeenka Agaasimaha Guud ayaa kula dardaarmay Saraakiisha in ay uga faaideeyaan Tababarka ay qaateen Saraakiisha kale ee aan helin fursadaan.