Sawirro:-Wasiiru Dowlaha A/Dibadda Dalka oo la kulmay wafdi ka socda Norway

Wasiir dowlaha arrimaha dibadda xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Axmed khayr Cabdi ayaa maanta muqdisho kulan kula yeeshay agaasimaha guud ee dawladda Norway u qaabilsan arrimaha goballada, Ms Tine Mørch Smith.

Kulanka oo ahaa mid  mira dhal ah ayaa looga hadlay dar-dar-gelinta wada shaqaynta iyo horumarinta danaha labada dawladood iyada oo loo marayo Istaraatiijiyado hagaagsan.

Agaasimaha guud ee dawladda Norway u qaabishan arrimaha goballada ayaa sheegtay in Norway ay ka go’antahay in dawladda Soomaaliya ay ka taageerto  Qorshaha horumarinta qaranka iyo tubaha qaranka.

Mas’uuliyiin ka socotay xafiiska ra’iisul Wasaaraha, wasaaradaha arrimaha dibadda, maaliyadda, Batroolka iyo haweenka ayaa wasiir dowlaha arrimaha dibadda xukuumadda federaalka Soomaaliya ku wehliyay kulanka uu la yeeshay agaasimaha guud ee dawladda Norway u qaabishan arrimaha goballada.

Mas’uuliyiinta shirka qayb galay ee ka socday Norway waxaa kamid ahaa safiirka Norway ee Soomaaliya Ms. Elin Bergithe Rognlie iyo xunna sare oo ka socday wasaaradda arrimaha dibadda iyo Safaaradda Norway ee Muqdisho.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media