Saraakiil uu hogaaminayay S/guuto Sulub Axmed Firin taliyaha ciidanka Daraawiishta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa booqday qaar kamid ah degaqanadi dhawaan laga xoreeyey Al- shabaab ee gobolka Shabeelada Hoose,halkaasi oo ay kula kulmeen saraakiisha ciidanka xooga dalka.
S/guuto Sulub Axmed Firin oo la hadlay Wakaaladda (SONN) ayaa ujeedka booqashadoda ku sheegay sidii ay u dhiirogelin lahaayeen ciidanka ku sugan furumaha dagaalka.
“Waxaan booqanaya goobaha ciidamadu ay ku sugan yihiin,Afgooye,Sabiib iyo Caanoole,waxaan la kulanay saraakiil iyo shacabka deegaanadaasi,ujeedkaynu waa in aan dhiirogelin u sameyno howlgalada ciidamadu ay wadaan,waxbadan ayaan aragnay o isbedel ah,adeegyadii bulshada oo dib u soo laabanaya iyo nolosha oo caadi ah,kadib markii Al-shabaab laga xoreeyay deeganadaasi”. Ayuu yiri taliye Sulub,
Taliyaha ayaa ku ammaanay ciidamada halkaasi ku sugan oo difaaca shacabka,waxaana socdaalkiisu uu imaanaya iyadoo dhawaan Shabaab laga xoreeyey deegaano hor leh.