Dowladda Talyaaniga waxay shalay sheegtay inay 3 million oo Dollar ku taageerayaan Qaxootiga ku sugan dalalka Libya iyo Kenya, iyadoo Lacagtaasi loo sii marsiinayo Barnaamijka Cuntadda Adduunka ee WFP, si gargaar Aadminimo oo degdeg ah loogu gaarsiin lahaa Muhaajiriinta iyo Qaxootiga ku sugan xeryaha ku yaalla dalalkaasi.
Hadal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Talyaaniga ayaa lagu sheegay in 1.14 million oo Dollar oo ka mid ah Lacagtaasi loo qoondeeyey sidii ay Hay’adda WFP Daryeel Degeg ah ku gaarsiin lahayd ugu yaraan 30,000 oo Muhaajiriin ah oo isugu jirta Taageero cunto iyo mid dhaqaale.
“Xaalladda Adag ee ka jirta gudaha dalka Libya waxay u baahan tahay Jawaab-celin degdeg ah iyo Taageero Aadminimo oo waxtar leh†ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Talyaaniga, oo intaasi ku dartay inay Taageero Maaliyadeed oo dheeraad ah ka geysan doonaan dadaalka muhiimka ee ka socda dhulka.
Dhinaca kale, Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Talyaaniga waxay sheegtay inay u qoondeeyeen 1.7 million oo Dollar si ay Dowladda Talyaaniga uga qeyb qaadato dadaalka lagu doonayo Dib-u-soo-celinta Qaxootiga Soomaalida ku sugan dalka Kenya, kaasi oo socon doona muddo 18 bilood ah.