Dowladda Soomaaliya ayaa Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya u Magacaawday Guddoomiyihii hore ee Gobolkan Bsnaadir ahaana duqii Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.
Mudane Tarsan ayaa Maalin ka hor gaaray Magalada Nairobi ee dalka Kenya,waxaana Maanta Warqadaha Aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta
Mudane Tarsan oo dhowaan loo magacaabay Safiirka Soomaaliya ee Kenya ayaa ka mid ahaa illaa 17 Safiir oo maanta waraaqahooda aqoonsiga uu qasriga Madaxtooyada kaga guddoomay Madaxweyne Uhuru Kenyatta.
Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa ka mid ahaa musharixiintii tartankii Madaxweyneneimo ee 8 Bishii febaraayo,waxaana sidoo kale uu haatan ka mid ahaa la-taliyeyaasha Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.