Shalay gelinkii dambe ayaa nin hubeysan oo la sheegay in uu ka tirsanaa Ciidamada dowladda waxa uu Saddex Wiil oo walaalo ahaa ku dilay xaafada Gumareey ee waaxda Jamhuuriya degmada Kaaraan.
Ninkaas ayaa saddexda Wiil oo wada dhashay waxa ay la ahaayeen ilmo adeer,waxaana ehelada qaarkood inoo sheegeen in ay ku murmeen isqab qabsi dhinaca dhulka ah.
Maanta ayaa waxaa lagu aasay Qabuuro ku yaalla deegaanka Jaziira,iyada oo ay goobjoog ka ahaayeen Ehelada Marxuumiinta la dilay.
Ninkii ka dambeeyey dilka Saddexdaasi Wiil oo lagu Magacaabo Xaashi Cali Cade ayaa goobta ka baxsaday,iyada oo laamaha amniga Soomaaliya ay sheegeen in baadi goob ay ku hayaan.
Dilalka noocan oo kale ah ayaa ku soo batay Muqdisho,waxana 5-tii bishii May ee Sanadkaan Nin hubeysan uu ku dilay degmada Wadajir Xaaskiisa iyo 3 Qof oo kale.