Kursi si adag loogu loolamay oo Doorashadiisa ka dhacaday Magaalada Baydhabo

Guddiga maamulka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa qabtay Tartanka kursiga sumadiisa ay tahay Hop#193 oo ay ku tartameen musharaxiinta kala ah:

1-Musharax Xildhibaan mudane, Cabdulaahi Aadan Axmed (Black) iyo

  1. Musharax Xildhibaan mudane, Cabdiqaadir Maxamed Cali (Baashi)

Mudane Cabdulaahi Aadan Black

ayaa helay codad dhan 66 cod, halka musharaxii la tartamayey Cabdiqaadir Maxamed Cali Baashi uu helay 31 cod.

Codadka xumaaday waa 3 cod

Natiijada hordhaca ah waxaa kuso baxay kursiga tirsigiisu yahay HOP#193 Xildhibaan Cabdilaahi Aadan Axmed (Black)

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor