Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Goordhow gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, ahna Caasimadda KMG ah ee KGS.
Garoonka diyaaradaha Shaati guduud ayaa waxaa Ra’iisul Wasaare Rooble iyo wafdigiisa oo ay kamid yihiin xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada, kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicaiis Lafta-gareen, Wasiiro, Xildhibaano iyo qeybaha kala duwan.
Ujeedka Ra’iisul Wasaaraha ee Baydhabo ayaa waxaa uu yahay ka qeyb galkaMunaasabadda sanad guurada 3-aad ee markii la doortay Madaxweynaha dowlad Goboleedkaas Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen.
Inta uu ku sugan yahay Baydhabo, Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa uu kulamo la qaadan doonaa Madaxweyne Lafta-gareen, iyagoo ka wada hadli doona Arrimo kala duwan oo ku aadan xaaladda deegaannada Maamulkaas iyo doorashada dalka.
Safarka Rooble ayaa ku soo aaday, iyada Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen safar qaatay laba maalin uu ku tegay Magaalada Kismaayo, isagoo halkaas kula soo kulmay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe…