Garoonka Magaalada muqdisho waxa maanta ka ambabaxay 76 arday kuwaas oo deeq waxbarasho ka helay Dalka Masar waxaana Garoonka Aadan Cadde ku sagootiyay  Ra’isul wasaare ku xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guleed Qadar, Wasiir DoWlaha Wasaarada Wax barashada iyo Masuuliyiin kale.
Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarshada Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Cabdule Jaabir oo la hadlaya war baahinta  ayaa u mahad celiyay Dowlada masar oo Ardaydaan siisay deeqdan waxbarsho.
Sidokale Ra’iisulwasaare ku xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuled Qadar ayaa sheegay tiradaan Arday manta baxeysa in ay tahay tii ugu badneyd ee Dalk Masar loo Qaado Qarashka Diyaardana uu bixinayo Madaxweynaha Dowlada soomaliya.
Dhinace kale wafdi uu huggaaminayo Ra’iisulwasaare ku Xigeenka Xukumada Soomaaliya iyo Masuulinya ayaa safar shaqo ugu amba baxay Dalka Masar si uu uga qeyb galo shir ay isugu imanayaan Madaxada  ilaa 13 dal oo ka kala socda Caalamka.