• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Friday, May 9, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Caalamka

Sawirro:-Muwaadiniin Reer Galbeed ah oo ka mid noqday dadkii lagu dilay weerarkii Nairobi

Dalsan Editor by Dalsan Editor
January 16, 2019
in Caalamka, Warar, Wararka Idaacadda, Xulasho, XULKA WARARKA
Reading Time: 4 mins read
A A
0
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Wararka hordhaca ayaa waxay sheegayaan inay Dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab weli ka dhex dagaalamayaan Dhismaha Hotelka Dusit complex oo ku yaalla bartamaha caasimadda dalka Kenya ee Nairobi.

Dagaalamayaasha Alshabaab waxay galabnimadii shalay weerar ku biloqday qaraxyo ku galeen Dhismaha Hoteelkaasi oo ka kooban 7-dabaq, isla markaana ay ku yaallaan dhismo Xafiisyo ay leeyihiin Hay’addo Caalami ah.

Ciiddanka Khaaska ee Milliteriga iyo Boliska Kenya ee GSU iyo  kuwo Caddaan oo ay ku jireen Maraykanka iyo British ayaa ka qeyb galay Hawlgalka lagu samata-bixinayey dadkii ku go’doomay dhismaha Hotelka Dusit complex.

Tirada Dagaalamayaasha Alshabaab ee gudaha u galay Hotelkaasi ayaa waxay wararku sheegayaan inay ilaa 6 qof yihiin, inkastoo Muuqaal ay Kameerooyinka Qarsoon (CCTV)ee  ku rakiban nawaaxiga Hotelkaasi laga arkayey 4 Dagaalame  oo orod kaga gudbayey Barxadda gaadiidka la dhigto ee Hotelka abaarihii 3-dii iyo barkii galabnimo ee shalay.

Ciiddanka Kenyanka iyo kuwa shisheeyaha waxa la sheegay inay weli ku jiraan Hawlgalka aroornimadii sakaayto, inkastoo uu Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Kenya, Fareed Matiyaani  xalay abaarihii 11-kii fiidnimo sheegay in ay ciiddanka la wareegeen dhamaan dhismaha Hotelka la weeraray.

Balse, wax yar kadib, hadalkiisa waxaa rasaas laga maqlayey gudaha Hotelka, iyadoo Korantadii laga wada jaray Hotelkaas.

Inkastoo aan weli si rasmi ah loo shaacinin tirada guud ee dadka ku geeriyooday Weerarkaasi, haddana warar hordhac ayaa xaqiijinaya in 15 qof lagu dilay Iska horimaadka weli ka socda Hotelka  Dusit complex ee magaalladda Nairobi.

11 Kenyan,  qof u dhashay Maraykanka, mid u dhashay Britain iyo 2 kale oo aan weli la aqoonsanin  ayaa la xaqiijiyey in lagu dilay weerarkaasi,

Sarkaal u hadlay Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka waxa u uxaqiijiyey in mid ka mid ah Muwaadiniintooda ka mid yahay dadka lagu dilay weerarka ay Alshaabaab ku qaadeen Hotelka Dusit complex ee magaalladda Nairobi.

Sarkaalkaasi waxa uu sheegay inay Dowladda Kenya ka heleen Codsi si looga taageero Hawlgalka weli ka socda Dusit complex ee magaalladda Nairobi, isla markaana ay kala shaqeynayaan sidii loo ogaan lahaa haddii ay dad kale oo Maraykan ah waxyeello ka soo gaartay Weerarkaasi.

Waxa uu intaasi ku daray in dhamaan Diplomaasiyiinta Maraykanka bad-qabaan.

Dowladda Spain waxay iyadana shaacisay in mid ka mid ah Muwaadiniintooda ku dhaawacmay weerarka ka dhacay Nairobi.

Si kastaba ha ahaatee, Hotelka Dusit complex waxa uu 2 KM u jiraa Xarunta laga dukaamaysto ee Westgate Mall  oo ay Alshabaab weerareen sannadkii 2013-kii, iyadoo ay 67 qof ku geeriyootay weerarkaasi oo dhowr maalmood qaatay.

Previous Post

Sawirro:-Wararkii u dambeeyay ee weerarkii Magalada Nairobi

Next Post

Darawal Mooto Bajaaj oo lagu dilay Muqdisho

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

GUDDOOMIYE KUXIGEENKA LABAAD EE GOLAHA SHACABKA OO SHIR GUDDOOMIYAY KULANKA GUDDIGA JOOGTADA.
Warar

GUDDOOMIYE KUXIGEENKA LABAAD EE GOLAHA SHACABKA OO SHIR GUDDOOMIYAY KULANKA GUDDIGA JOOGTADA.

May 8, 2025
Trump oo Qasa u Wado Maamul KMG ah oo Mareykan Hoggaaminayo
Caalamka

Trump oo Qasa u Wado Maamul KMG ah oo Mareykan Hoggaaminayo

May 8, 2025
DFS oo Maamul Cusub ka Abaabuleysa Jubbaland
Warar

DFS oo Maamul Cusub ka Abaabuleysa Jubbaland

May 8, 2025
“Falcelinta Shacabka Kadib Weerarradii Pakistan iyo Hindiya”
Warar

“Falcelinta Shacabka Kadib Weerarradii Pakistan iyo Hindiya”

May 7, 2025
“Shirka Xisbiga Caddaaladda oo Hakad Ku Yimid
Warar

“Shirka Xisbiga Caddaaladda oo Hakad Ku Yimid

May 7, 2025
Guddoomiyaha SoDMA oo Kenya Ka Daah-furay Mashruuc Wacyigelineed oo $40 Milyan Ah
Warar

Guddoomiyaha SoDMA oo Kenya Ka Daah-furay Mashruuc Wacyigelineed oo $40 Milyan Ah

May 7, 2025
Next Post

Darawal Mooto Bajaaj oo lagu dilay Muqdisho

GUDDOOMIYE KUXIGEENKA LABAAD EE GOLAHA SHACABKA OO SHIR GUDDOOMIYAY KULANKA GUDDIGA JOOGTADA.

GUDDOOMIYE KUXIGEENKA LABAAD EE GOLAHA SHACABKA OO SHIR GUDDOOMIYAY KULANKA GUDDIGA JOOGTADA.

by Ilhaan
May 8, 2025
0

kulanka 11-aad ee Guddiga joogtada Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa...

Federal Government Plots New Regional Administration in Jubbaland Amid Escalating Tensions

Federal Government Plots New Regional Administration in Jubbaland Amid Escalating Tensions

by Liban
May 8, 2025
0

The Federal Government of Somalia (FGS) has unveiled a contentious plan to establish a new autonomous administration in Jubbaland, in...

National Consultative Council Issues Communiqué After Key Meeting in Mogadishu

National Consultative Council Issues Communiqué After Key Meeting in Mogadishu

by Dalsan Editor
May 8, 2025
0

The National Consultative Council (NCC) released an official communiqué on Wednesday evening following the conclusion of its recent summit held...

Former Somali President Farmaajo Accuses President Hassan Sheikh of Undermining National Consultative Forum

Former Somali President Farmaajo Accuses President Hassan Sheikh of Undermining National Consultative Forum

by Dalsan Editor
May 8, 2025
0

Former Somali President Mohamed Abdullahi Farmaajo has strongly criticized President Hassan Sheikh Mohamud, accusing him of sabotaging the National Consultative...

GUDDOOMIYE KUXIGEENKA LABAAD EE GOLAHA SHACABKA OO SHIR GUDDOOMIYAY KULANKA GUDDIGA JOOGTADA.
Warar

GUDDOOMIYE KUXIGEENKA LABAAD EE GOLAHA SHACABKA OO SHIR GUDDOOMIYAY KULANKA GUDDIGA JOOGTADA.

May 8, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Federal Government Plots New Regional Administration in Jubbaland Amid Escalating Tensions
English News

Federal Government Plots New Regional Administration in Jubbaland Amid Escalating Tensions

May 8, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
National Consultative Council Issues Communiqué After Key Meeting in Mogadishu
English News

National Consultative Council Issues Communiqué After Key Meeting in Mogadishu

May 8, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Former Somali President Farmaajo Accuses President Hassan Sheikh of Undermining National Consultative Forum
English News

Former Somali President Farmaajo Accuses President Hassan Sheikh of Undermining National Consultative Forum

May 8, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somalia and UK discuss enhancing Defence Partnership
English News

Somalia and UK discuss enhancing Defence Partnership

May 8, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Swedish Police Train Somali CID Officers in Forensic Crime Scene Investigation
English News

Swedish Police Train Somali CID Officers in Forensic Crime Scene Investigation

May 8, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • GUDDOOMIYE KUXIGEENKA LABAAD EE GOLAHA SHACABKA OO SHIR GUDDOOMIYAY KULANKA GUDDIGA JOOGTADA.
  • Federal Government Plots New Regional Administration in Jubbaland Amid Escalating Tensions
  • National Consultative Council Issues Communiqué After Key Meeting in Mogadishu
  • Former Somali President Farmaajo Accuses President Hassan Sheikh of Undermining National Consultative Forum

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00