Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Mustafe Maxamuud Cagjar ayaa Gogol lagu heshiisiinayo beelihii ku dagaalamay deegaanka Dhumay ee gobolka Mudug u fidiyay waxgaradka beelihii dagaalamay.
Shirkaasi Nabadeynta ah ayaa waxaa lagu qabanayaa Magalada Jigjiga ee Xarunta dowlad deegaanka,waxaana u ambabaxay Ergadii ka qeyb geli lahedy gogoshaas.
Dhawaan Odayaal iyo waxgarad ka soo kala jeeda labada beelood eek u dagaalamay deegaanka Dhumay waxa ay yeesheen kulan xabad joojin lagu kala dhex dhigay labada beelood.
Waxgarad ka soo kala jeeda beelaha ku dagaalamay Gobolka Sool ayaa u ambabaxay Magalada Jigjiga si ay uga qeyb galaan gogoshaas uu fidiyay Madaxweyne Mustafe Cagjar.
42 Xubnood oo ka kala socda labada beelood ayaa ka qeybgeli doona shirkaasi Nabadeed ee ka dhacaya Magalada Jigjiga,waxana tallaabadaasi soo dhaweeyay Bulshada ku nool Gobolka Sool.