Wakaalladda Wararka YONHAP ayaa shaacisay in Maraakiib yaryar oo laga leeyahay Iiraan lagu qabtay Badda Carbeed ama meel ka baxsan Badweynta Hindiya ee Xeebaha Somalia, kuwaasi oo waday Qoryaha Boobayaasha ee lagu farsameeyo dalka Waqooyiga Kuurya.
Markab Dagaal oo laga leeyahay dalka Faransiiska ayaa gacanta ku dhigay Hubkaasi oo loo soo waday Malereshiyooyin ku sugan gudaha dalka Somalia.
Waxaa la rumeysan yahay inay Iiraan soo dirtay Hubkaasi, isku-day ay ku doonaysay inuu ku hubeyso Maleeshiyo ka dagaalanta gudaha Somalia.
Dhinaca kale, Qoryaha Boobayaasha ee la qabtay oo noocoodu yahay (The Type 73) waxaa lagu farsameeyey dalka Waqooyiga Kuurya, waxaana Dowladda Iiraan hubkaasi laga iibiyey sannadihii 1970-kii ilaa 1980-kii oo ay Milliteriga Iiraan dagaal kula jirtay Ciiddanak dalka Ciraaq.
Dhawaan ayey ahayd, markii ay Kooxda QM ugu qaabilsan Kormeerka Cunaqabataynta Hubka ee saaran Somalia iyo Eritrea Warbixin u gudbiyeen Golaha Ammaanka ee QM, kuna sheegeen in Maraakiibtaasi laga leeyahay Iiraan lagu qabtay 6 Qoryaha Boobaha ee 73 iyo noocyo kale oo hub ah.
Warbixinta waxaa kaloo lagu sheegay in Shixnadaha Hubka ee laga soo daabulo Dekedaha Yemen iyo Iiraan sida qarsoodi ah loogu soo daabulo Dekedaha ku yaalla W/bari ee Somalia.