Sawirro:-Madaxweyneyaashii hore ee Somalia iyo Xisbiyada Siyaasadeed oo Shir ku leh Muqdisho

Magaalada Muqdisho ayaa Goordhow waxaa Shir xasaasi ah uu uga furmay Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya iyo qaar kamid ah Madaxda Xisbayada siyaasadeed ee dalka ka jira.

Shirka ayaa waxaa goobjoog ah Xasan Sheekh Maxamuud,Sheekh Shariif Sh Axmed iyo inta badan Madaxda Xisbiyada siysaadeed,iyadoo la filayo in qodobo laga soo saaro markii uu soo dhammaado.

Sidoo kale Madaxda uu Shirka u socdo ayaa waxaa la filayaa inay ku dhawaaqaan Isbaheysi cusub ay ku mideysan yihiin Xisbiyada Wadajir, Himilo Qaran, UPD, Ilays iyo kuwa kale.

Warbaahinta Magaalada Muqdisho ayaa waxaa Maanta loo yeeray goobta uu Shirkaas ka socda.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media