Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG u ah maamulka Jubbaland ayaa Maanta waxaa gaaray Madaxweyneyaashii hore ee Maamulada Koonfur Galbeed iyo Galmudug iyo wafdi la socday.
Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo C/kariin Xuseen Guuleed ayaa ka degay Garoonka diyaaradaha Kismaayo,isla markaana waxaa halkaas kusoo dhaweeyay Madaxweyne ku-xigeenka Koowaad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo Mas’uuliyiin kale.
Sidoo kale Wafdigaas ayaa waxaa qeyb ka ahaa Xildhibaano ka tirsan Golle ee Baarlamaanka Soomaaliya,waxaana Ujeedka Wafdigan uu yahay ka qeyb galka Xaflada Caleemo-saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.
Xaflada Caleemo-saarka Madaxweynaha Jubbaland ayaa waxaa lagu wadaa in ay Magaalada Kismaayo ka dhacdo 9-ka Bishan October oo ku beegan Arbacadda soo socota sida ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan maamulkaas.
Magaalada Kismaayo ayaa waxaa la filayaa inay gaaran Wufuud kala duwan oo ka qeyb galeysa Calmeemo-saarka,waxaana ka qeyb noqonaya Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka iyo Mas’uuliyiin Sar sare.
Si kastaba qorshaha Xaflada Caleemo-saarka Axmed Madoobe ayaa ahaa 26-ka Bishii la soo dhaafay in la qabto,hayeeshee dowladda Soomaaliya oo ka soo horjeeda Doorashada Madaxweynaha Jubbaland ayaa xayiraat saartay diyaaradihii tegi jiray Kismaayo,isla markaana sidaas uu dib u dhac ugu yimid Munaasabadda.