Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda XFS mudane Xassan Xuseen Xaaji iyo xubno la socday ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Safiirka Dalka Sweden u fadhiya soomaaliya Mudane Staffan Tillander.
Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay horumarinta garsoorka dalka iyo dhammaan Hay’addaha Cadaaladda. labada mas’uul ayaa isla meel dhigay in ay lagama maarmaan tahay sare u qaadidda iyo horumarinta Hay’addaha Cadaaladda Dalka.
Safiirka Sweden ayaa ballan qaaday in dalkiisu gacan ka geysanayo arrimaha dib-u-dhiska iyo horumarinta laamaha cadaaladda soomaaliaya.