Dhageyso:-Ciidamada xoogga dalka oo Saldhig Cusub ka sameystay G/Galgaduud+Sawirro

Taliska Qeybta 21aad ee Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo ay wehlinayeen Taliska Booliska Galmudug, Xildhibaano , Maamulka Dagmada Cadaado iyo Saraakiisha Ciidamada Qeybta 21aad ayaa Maanta waxa ay dhagax dhigeen Xarun loo dhisayo Taliska Qeybta 21aad oo ku taalla Magalada Cadaado.

Taliyaha Qeybta 21aad S/Guuto Yuusuf Cabdilqaadir Maxamed “Kaanti” oo Munaasabada hadal ka jeediyay ayaa uga mahad celiyay maamulka Dagmada cadaado sida ay ciidamada Xooggga ugu wareejiyeen Dhulka Xerada laga dhisayo taasi oo qayb ka qaadaneysa Horumarinta Ciidamada iyo in la helo goob ku filan deegaan ahaan Ciidanka Xoogga Qeybtooda 21aad.

Maamulka dagmada Cadaado iyo saraakiisha Booliska ayaa madasha ka balan qaadey in ay Garab ku siinayaan Taliska Qeybta 21aad sidii xeradan loo dhisi lahaa waliba sida ugu hagaagsan  si ay Ciidamada saldhigyo uga sameystaan.

Xarunta Taliska Qeybta 21aad ee rasmiga ah ayaa ku taalla Magaalada Dhuusamareeb walow si ku meel gaar ah dhowr sanadood uu Talisku u deganaa Magaalada Cadaado walina ah Xarunta Taliska .

Hoos Ka Dhageyso Codadka kana Daawo Sawirrada Munaasabadda.

Xarunta Taliska Qeybta 21aad ee Ciidamada xoogga S/Guuto Yuusuf Cabdilqaadir Maxamed “Kaanti” 

Guddoomiyaha degmada Cadaado Cabdullaahi Cabdiraxmaan Xuseen Tootoole

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor