Sawirro:-Madaxweyne Waare oo booqday dekadii hore ee Ceel Cade iyo Garoonkii Diyaaradaha Cisaley

Madaxweynaha DG HirShabeelle Md Dr Mohammed Abdi Ware iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa Maanta Kormeer Ku sameeyay Deegaan Xeebeedka Ceel Cade.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare oo booqasho ku maraya deegaano ka tirsan Shabeellaha dhexe ayaa booqday Ex Dekadii Macmalka ahayd ee Ceel Cade iyo Garoonkii Diyaaradaha ee Cisaley.

Madaxweyne Dr Waare oo ay la socdeen Wasiirka Arimaha Gudaha Maxamed Cali Caadle Gudoomiyaha Gobolka Axmed Meyre Makaraan Iyo Masuuliyiin kale ayaa indho indheyn kusoo sameeyay Ex Dekadii Macmalka ahayd ee Ceel Cade oo laga soo dejin jiray Shidaalka iyo Badeecado kale Sidoo kale Madaxweynaha Wuxuu Soo indho indheeyay Garoonkii Diyaaradaha Cisaley ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ugu Dambeyn Madaxweyne Waare ayaa booqday Cusbitaalka Wayn ee Keysaney halkaas oo ay ku soo dhoweeyeen Maamulka iyo Shaqaalaha Cusbitaalkaas,waxana uga Tacsiyeeyay falkii Todobaadkii hore ka dhacay Gudaha Cusbitaalka oo qof Walba ku abuurtay Argagax weyn kadib markii nin dhaawac ahaa lagu dhex dilay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor