Akhriso:-Amar la dul-dhigay Shacabka deegaanada Jubbaland

War-Saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Howlaha Guuud iyo Guriyeynta dowlad goboleedka Jubbaland ayaa waxaa digniin culus loogu diray dadka degan Dhulalka Dowladda.

War-Saxaafadeedka ayaa waxaa lagu amray dadka degan guryaha dowladda in ay uga guuraan muddo 14 Cisho ah laga bilaabo 05-January 2019 oo shalay ku beegneyd.

Sidoo kale laamaha Ammaanka dowlad goboleedka Jubbaland ayaa la faray in ay hubiyaan in amarkaan kasoo baxay Wasaaradda Howlaha Guuud  loo hoggaansamey,ciddii u hoggaasami waysana tallaabo sharci ah ka qaadaan.

Hoos Ka Akhriso War-Saxaafadeedka Wasaaradda Howlaha Guuud.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor