Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Dr, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Maanta o Khamiis ah shir guddoomiyey kulankiisii ugu horeeyay ee Golaha Wasiirada Puntland.
Shirka waxaa sidoo kale ka qeyb galay Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan, madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweyne Ku Xigeenkii hore ee Puntland Cabdixakiim Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey.
Shirka ayaa looga hadlay marxaladda kala guurka ah iyo sidii loo amba-qaadi lahaa Horumarka Puntland.
Kala socda Radiodalsan.com war-Saxaafadeed kasoo baxay Shirka Golaha Wasiirada.