Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed C/Casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo Guddomiyaha Baarlamanka KGS Cabduqaadir Shariif Sheekhuna Maye ayaa xalay kulan la qaatay qaatay Odayaasha dhaqanka Magaalada Baraawe ee Caasimadda Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Kulanka ayaa inta badan looga hadlay arrimaha dhanka amniga Magaalada iyo sidii ay qeyb uga noqon lahaayeen Odayaasha dhaqanka xoreynta deegaanada hoostaga degmadaas.
Sidoo kale Madaxweyne lafta-gareen ayaa Odayaasha dhaqanka faray inay la shaqeeyaan Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, si Al-shabaab looga saaro deegaanada ay kaga sugan yihiin Gobolka Shabeellaha Hoose.
Kulanka Madaxweyne Lafta-gareen iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed ay la qaateen Odayaasha dhaqanka Baraawe ayaa waxaa qeyb ka ahaa Wasiiro ka tirsan dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, kuwaasi oo qeyb ka ahaa Wafdigii uu hogaaminayay Lafta-gareen ee shalay halkaas gaaray.