Sawirro:-Madaxweynaha Jubbaland oo kormeer sameeyay

Madaxweynaha dowlad goboleedka jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa kormeer ku tagay qaar kamid ah xarumaha Maamulka ee kuyaalla magaalada kismaayo si loo hubiyo howlaha shaqo iyo mida tayo ee hay’adaha uu madaxweynuhu maanta kormeeray.

Madaxweynaha ayaa kormeerkiisa shaqo ka bilaabay xarunta degmada Kismaayo waxaana uu halkaas kula kulmay guddoomiyaha degmada Kismaayo waxaana uu warbixino la xiriira shaqada dowladda hoose ka dhageystay guddoomiyaha degmada.

Sidoo kale waxaa uu madaxweynaha booqday xafiisyada hay’adda dhulka Jubbaland gaar ahaan xafiiska guddiga dhulka jubbland,xafiiska sharciyeenta dhulka, guddiga xalinta khilafadka dhulalka ugu dambeyna waxaa uu warbixin ka dhageystay madaxa hay’adda dhulka Jubbaland oo uga warbixiyay howlaha baaxada leh ee xafiisyada uu qabto.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale kormeeray xarumaha wasaaradaha arrimaha gudaha,maaliyada iyo qorsheynta waxaana madaxweynuhu ka dhageystay warbixino la xiriira hannaanka shaqo iyo ahmiyada ay wasaaradahaan u leeyihiin Jubbaland mas’uuliyiinta wasaradahaasi ayaa iyagana dhankooda ka warbixiyay hawlaha ay shacabka u hayaan.

Dhanka kale waxaa uu madaxweynaha kormeer shaqo ku tagay xarumaha wasaradaha ganacsiga,macdanta iyo biyaha,xannaanada xoolaha iyo wasaaradda waxbarashada.

Dhammaan mas’uuliyiinta wasaradahaan ayaa madaxweynaha uga warbixiyay shaqada iyo horumarada ay gaareen mudadii ay shaqada hayeen.
Kormeerka shaqo ee Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa ahaa mid lagu xoojinayo shaqada wasaaradaha iyo dhammaan hay’adaha kale ee dowlad goboleedka si looga dhabeyo qorshaha horumrineed ee dolwad goboleedka Jubbaland.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media