Sawirro:-Soomaaliya oo ka qeyb galeysa Shirkii 5-aad ee Guddiga Joogtada Wadamada Islaamka

Shirkii 5-aad ee Caalamiga ah oo ay yeelanayaan Guddiga Joogtada ah ee Arrimaha xuquuqul-Insaanka ee wadamada ku bahoobay Ururka Islaamka ayaa ka socda Magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga,waxaana looga hadlayaa arrimo badan oo quseeya dowladaha Islaamka ee dunida.

Waxaa shirkani uu soo qaban qaabiyay guddiga Joogtada ah ee Arrimaha xuquuqul-Insaanka, Soomaaliya u matalaya wafdi ka socda wasaaradda Haweenka iyo xuquuqul-Insaanka, kaasi oo uu horkacayo Agaasimaha guud ee wasaaradaasi Deeq Suleymaan Yuusuf.

Ajendayaasha sanadkan diiradda lagu saari doono shirkaasi inta uu socdo waxaa kamid ah arrimo la xiriira dhibaatooyinka Islaam neceybka,ku xadgudubka xuquuqda aadanaha iyo faquuqa ka jira daafaha caalamka.

Shirkan ayaa sanadka ku soo aadaya iyadoo dunida daafaheeda ay ka jiraan dhibaatooyin badan oo salka ku haya xadgudubyada xuquuqul-Insaanka,waxaana la filayaa in xubnaha matalaya wadamada ku mideysan ururka Iskaashiga Islaamku ay soo saaraan qodobo muhiim ah.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media