Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa Maanta qorshuhu ahaa in ay yeeshaan kulankooda caadiga ahaa,kaas oo ajandihiisu ahaa ka doodista xeer hoosaadka Golaha Shacabka basle uu baaqday.
Sababta uu kulanka u baaqday ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay Kooram La’aan,isla markaana aysan Xarunta imaan tiradii loo baahnaa ee Xildhibaanada Golaha Shacabka.
Hadaba waxaa la shaaciyey Magacyada Xildhibaannadii ka maqnaa kulankii Maanta.
Xildhibaane Sharmaarke Garaad Saleebaan oo ah hab-dhowre ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka ayaa Akhriyey.