Kadib markii maanta uu gaaray Magaalada Buulo-Burde ee Gobolka Hiiraan Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa waxa uu ka qeyb galay kulamo looga hadlayay sidii looga gudbi lahaa dhibaatooyinka ka jira degmadaas.
Kulanka ayaa waxaa ka qeybgalay Maamulka Degmada Buulo Burde Saraakiisha Ciidamada AMISOM iyo Kuwa Dowlada Soomaaliya, iyada oo inta badan looga hadlay sidii looga gudbi lahaa dhibaatooyinkaas.
Gudoomiyaha Magaalada Buulo-Burde ayaa Madaxweyne Waare iyo masuuliyintii la socotay uga warbixiyay dhibaatoyinka dhinaca nolosha ah ee ka jira degmadaas sida Caafimaad Xumo Waxbarasho Yari iyo Gurmadka Dadkaasi la gaarsiinayo oo aad Uyar.
Dhanka kale Madaxweyne Maxamed Cabdi waare oo isna kulanka ka hadlay ayaa balan qaaday in Maamulkiisa uu qeyb qeyb wax uga qaban doono dhibaatooyinka ka jira degmada Buulo-Burde balse dhankooda Bulshada laga doonayo in ay maamulka la Shaqeeyaan.
Hoos Ka Daawo Sawirrada Kulanka