Allaha U Naxariistee Guddoomiyihii Shirkadda Somali Airlines, Maxamuud Maxamed Guuleed ayaa xalay ku geeriyooday Caasimadda dalka Kenya ee Nairobi, sida aan ka soo xiganay Mas’uuliyiin iyo qaar ka mid ah Ehelladda Marxuumkaasi.
Allaha U Naxariistee Maxamuud Maxamed Guuleed waxa uu horey u ahaa Taliyihii Ciiddanka Cirka ee Dowladdii Kacaanka sannadihii 1980-aadkii, waxaana xilkaasi laga qaaday kadib, markii ay isaga iyo Madaxweynihii Dowladda Kacaanka, Jeneral Maxamed Siyaad Barre isku khilaafeen Duqeymihii lagu hayo magaalladda Hargeysa.
Jeneral Maxamuud Maxamed Guuleed waxa uu ka soo horjeeday inay Diyaaradaha Ciiddanka Cirka duqeeyaan dadka rayidka ee ku noolaa Gobalka W/galbeed, gaar ahaan magaalladda Hargeysa oo ay dagaal ka wadeen Jabhadda SNM.
Jeneral Guuleed waxaa Darajadiisa hoos loogu dhigay G/sare, waxaana sannadkii 1986-dii loo magacaabay Guddoomiyaha Shirkadda Somali Airlines oo uu hayey tan iyo Burburkii Dowladda Kacaanka.
Muuse Maxamed Guuleed oo la dhashay Marxuumka, kuna sugan magaalladda Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa Dalsan Radio u xaqiijiyey geerida Guddoomiyihii Shirkadda Somali Airlines.
Marxuumka waxa uu sannadkii 1942-kii ku dhashay Degmadda Daaca-buur oo u dhexeysa magaallooyinka Berbera iyo Hargeysa.
Dhinaca kale, Allaha U Naxariistee Guddoomiyihii Shirkadda Somali Airlines, Maxamuud Maxamed Guuleed ayaa la filayaa in maalinta berrito ee Jimcaha Aas Qaran loogu sameeyo magaalladda Muqdisho waxaana haatan socota Qabanqaabadda arrintaasi.
©Radio Dalsan