Sawirro:-Madaxweynaha Galmudug oo ku dhawaaqay howlgal ka dhan ah Al-Shabaab

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Gelle xaaf oo booqasho ku maraya deegaano ka tirsan Gobolka Mudig ayaa Maanta ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.

Madaxweyne Xaaf ayaa maanta booqday xerada Ciidamada Daraawiishta Galmudug ee ku taalla duleedka Magaalada Galkacyo,waxaana uu faray Ciidamada daraawiishta in ay u diyaar garoobaan sidii dib loogu soo celin lahaa deegaanada ay shabaab ka haystaan Galmudug.

Waxa uu sheegay in laga maarmaan tahay in laga hortaga waxyaabhaha keeni kara amnidarro,isla markaana uu bilaabanayo dagaal Al-Shabaab looga saarayo deegaanada ay ka joogaan Galmudug.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media