Madaxweynihii hore ee dalka Suudan oo geeriyooday

Waxaa Goordhow la shaaciyay in dalka Sacuudiga Carabiya uu ku geeriyooday Alle ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee dalka Suudaan jeneral C/raxmaan Zawaar Dahab.

Wakaalladda Wararka Sudan ee SUNA ayaa shaacisay in Marxuumka uu ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla Magalada Riyadh oo ah Caasmadda dalka Sacuudiga.

Madaxweynihii hore ee dalk Suudaan ayaa la sheegay in da’diisu ay hadda aheyd 83-jir,waxana talada dalkaasi uu hayay intii u dhaxeysay bishii April 6-da ee sannadkii1985-tii ilaa bishii May 6-dii ee sannadkii 1986-dii.

Sidoo kale AUN C/Raxmaan Zawara Dahab ayaa mar waxa uu soo noqday wasiirka Gaashaandhigga dalka Suudaan,waxana xilligaas dalkaasi madaxweyne ka ahaa Jacfar Maxamed Al-numeyr.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor