Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hir-Shbeelle waxaa Goordhow gaaray Madaxda maamul goboleedyada si ay uga qeyb galaan Munaasabada Caleemo-Saarka Madaxweyne waare.
Madaxweynayaasha koonfur Galbeed,Puntland, iyo Galmudug ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada jowhar ku soo dhaweeyay Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare.
Gudoomiyaha Aqalka Sare iyo Xildhibaano ka tirsan Aqalka Sare ayaana iyana tegay jowhar,kuwaas oo Goobjoog ka noqon doona Munaasabada Caleemo-Saarka.
Ammaanka ayaa aad loo adkeeyay, waxana weli jowhar ku sii qul qulaya wufuud kala duwan, iyada oo Daqiiqadaha nasoo aadan uu gaari doono Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.