Sawirro:-Madaxda Dowladda oo ka qeyb galay Munaasabadda 1-da Luuliyo

Waxaa xalay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya lagu qabtay Munaasabad lagu xusayay 60-guurada ka soo wareegtay Xornimada Gobolada Koonfureed iyo Midnimada dalka ee 1-da Luulyo.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan labada Golle ee Baarlamaanka, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Saraakiil Ciidan, Fanaaniin  iyo xubno kale.

Inta ay socotay Munaasabadda ayaa waxaa fanaaniinta Hobollada Qaranka Waaberi ay madashada ku soo bandhigeen suugaan ka hadleysa Xornimada Gobolada Koonfureed iyo Midnimada dalka ee 1-da Luulyo.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay Khubad ka jeedin Munaasabadda, waxaana qoraal kasoo baxay Madaxtooyadda lagu sheegay in Madaxweynaha Maanta uu jeedin doono khudbadda munaasabadda 1-da Luuliyo.

Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa siweyn loogu dabaal-degay Munaasabadda  munaasabadda 1-da Luuliyo, isla markaana waxaa la arkayay dadweyne farabadan oo waddooyinka isugu soo baxay xiligii la saarayay calanka Jamhuuriyadda Somalia.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media