Magaalada Mqudisho gaar ahaan Qabtay Xarunta Taliska Qaybta Guud ee Gobalka Banaadir ayaa xalay waxaa lagu qabtay Shir looga hadlaayay amniga Caasimadda.
Kulanka ayaa waxaa Shir Guddoominayay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cabdiraxamaan Cumar Cismaan (Eng.Yariisow),isla markaana wax ka qeyb galay inta badan Saraakiisha laamaha amniga dowladda.
Shirka looga hadlaayay Amniga Caasimadda waxaa xalay diirada lagu saaray dardargelinta Sugida Amniga, isdhexgalka bulshada, Deriseynta iyo horumarka Caasimada.
Sidoo kale inta uu kulanka socday ayaa Guddoomiye Yariisow waxaa uu Saraakiisha Ciidamada Booliska ka xog-wareysay sida ay u socdaan Shaqooyinka amniga Caasimadda iyo arrimo kale.
Ugu dambeyntii Hay’adaha amniga ayuu Cabdiraxamaan Cumar Cismaan (Eng.Yariisow kula dardaarmay in ay laba jibaaraan dadaallada ay ugu jiraan xasilinta caasimadda si ummadda Soomaaliyeed ay u helaan nabad buuxda.