(Akhriso): Imaaraadka oo soo dhaweysay Heshiiskii Madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland.

Sida ay baahisay Wakaalladda Wararka Imaaaraadka (WAM) waxay Dowladda dalkaasi soo dhaweysay Heshiiska ay  Madaxweynayaasha Dowlad-gobaleedyadda Galmudug iyo Puntland ka gaareen Dagaalladii ka socday Gaalkacyo.

Labadaasi Hoggaamiye waxay wada-xaajood kadib isku waafeen Heshiis Nabadeed, oo ay qoddobadiisa ka mid yihiin:

  1. Xabbad-joojin Degdeg ah,
  2. In la sameeyo Guddi Wada-xaajood oo Isku-dhaf ah, kana shaqeeya sidii Xal Waara looga gaari lahaa Colaadda Gaalkacyo.

uaeDhinaca kale, Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa waxay dalkeeda ku casuuntay, isla markaana ay Kulamo Khaas ah la yeesheen Ra’isul-wasaaraha Dowladda Federalka iyo  Madaxweynayaasha Maamul-gobaleedyadda Galmudug, Puntland, K/Galbeed, Jubbaland iyo HirShabelle.

Kulanka Dowladda Imaaraadka Carabta iyo Hoggaamiyayaasha Soomaalida ayaan si rasmi ah loo shaacinin, waxaana soo baxayo Tuhuno Siyaasadeed, iyadoo ay Kulamadaasi ku soo beegmeen xilli lagu guda-jiro Ololaha Doorashadda Madaxtinimadda Somalia oo dhici doonta bishan November 30-da.

galmudug-iyo-puntland

©Radio Dalsan

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor