Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa Xafiiskiisa waxa uu kula kulmay masuuliyiin ka kala socotay UNSOM iyo UNDP.
Kulanka ayaa waxaa lagu lafa guray arrimaha iskaashiga labada dhinac oo ay isal garteen in siwadajir ah ay iskula Shaqeeyaan,maadaama dowladda federaalka Soomaaliya ay ka caawiyaan dhinacyo farabadan.
Sidoo kale waxa ay isla soo qaadeen dardargelinta arrimaha la xiriira doorashooyinka Sanada 2020,dhinacyada amniga iyo guud ahaan Arrimaha Siyaasada dalka.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa horay waxa uu ula kulmay Wakiilo ka kala socday Beesha Calamka,kuwaas oo dhammaantood ay isla garteen in siwadajir ah loo wada Shaqeeyo.
Hoos Ka Daawo Sawirada Kulanka..