Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho ku joogay dalka Jabuuti ayaa uga sii gudbaya dalka turkiga si uu uga qeyb galo Caleemo saarka Madaxweynaha turkiga.
Munaasabada Caleemo saarka iyo dhaarinta Madaxweyne Recep Tayyib Erdogan ayaa la filayaa in Maalinta Berrito ah ay ka dhacdo dalka Turkiga,waxana ka qeybgeli doona madax badan oo ka mid ah saaxiibada dalka turkiga.
Sidoo kale madaxda ka qeyb galeysa waxaa ka mid ah Ra’iisul Wasaaraha Ruushka Medvedev iyo madax ka kala socota wadamo badan oo Caalamka ah.
Recep Tayyib Erdogan Madaxweynaha turkiga ayaa markale loo doortay Madaxweynaha dalkaas dhamaadkii Bishii june,doorashadaas oo aheyd tii ugu horreysay oo Madaxweyne iyo Baarlaaman halmar la wada doorto.
Sikastaba Dowladda Turkiga ayaa ka mid ah saaxiibada Soomaaliya ee dowladda Federaalka ka taageera arrimo ay ka mid yihiin,amniga iyo gargaarka,waxaana la xasuustaa in Sanadkii 2011,kii turkiga uu gurmad kala dwuan soo agarsiiyey Soomaaliya xilligaas oo dalka ay dhacday abaar daran.