Kulankan oo ay Guddoominaysay Guddoomiyaha Guddiga Xildhibaan Fowsiyo Maxamed Sheekh islamarkaana ay goobjoog ahaayeen inta badan xubnaha Guddiga ayaa lagu xogwaraystay wasiirka Amniga Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale.
Guddiga ayaa wasiirka wax ka weydiiyay Arrimaha Amniga Dalka Guud ahaan iyo gaar ahaan Tan Magaalada Muqdisho, Wasiir Ducaale ayaana Guddiga uga warbixiyay Dhamaan Su”aalihii la xariiray Arrimaha Amniga ee Wax laga Weydiiyay.
Guddiga Arrimaha Guddaha, Maamullada Gobolada iyo Amniga ee Golaha Shacabka ayaa Sidoo kale Wasiirka wax ka weydiiyay Waxa kasoo kordhay Dhacdooyinkii 14/ 10 /2017, iyo 28/10/2017.
Ugu danbayntii Guddiga ayaa wasiirka iyo Wasiiru-dowlaha Wasaarada Amniga uga Mahadceliyay Ajiibitaanka iyo ka soo qeybgalka kulankan.
Hoos Ka Daawo Sawirrada Kulanka.