Warar la isla dhexmarayay baraha bulshada Maanta oo ku aadanaa in Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare uu xilka qaadis ku sameeyay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Daba-geed) ayaa waxaa wararkaasi si kulul uga hadlay maamulka Hirshabeelle.
War kasoo baxay Madaxtooyadda Hirshabeelle ayaa waxaa lagu beeniyay wararka baraha bulshada Maanta aad u qabsaday ee la xiriira in Madaxweyne Waare uu xilkii ka qaaday Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan.
Sidoo kale Maamulka Hirshabeell digniin u diray dadka ku howlan inay faafiyan wararka been abuurka ah.
Warka kasoo baxay Madaxtooyadda Hirshabeelle ayaa u qornaa sidaan.
Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Hirshabelle waxay cadeyneysaa in warqdani Ummadda Soomaaliyeed lagu jahwareerinayo ay tahay Been Abuur.
Waxa looga digayaa dadka ku howlan ficiladani guracan in ay ka waantoobaan.
Hoos Ka Akhriso Warqada been abuurka ah ee Baraha Bulshada la soo dhigay.