Ururka Wadaniga ah ee ka shaqeeya Waxbarashadda Loo Siman Yahay ee EFASOM oo kaashanaya Wasaaradda Waxbarashadda ee Jubbaland State ayaa Magaaladda Kismaayo ku soo gaba-gabeyey kulan socdey laba maalmood, 11-12 November 2018 oo ku saabsanaa sare u qaadista Tayada Waxbarashada Dugsiyadda. Kulanka waxaa lagu marti-geliyey madax kala duwan oo ka socdey Maamulada Dugsiyadda, Macallimiinta, Dhallinyarada, Madaxda Wasaardda Waxbarashada Jubbaland, Waalidiinta, Ardayda Jaamacadaha iyo Haweenka.
Kulanka waxaa maalgeliyey mashruuxa Civil Sociey Education oo ay bixisey Global Campaign for Education.
Furitaanka:
Kulanka waxaa si rasmi ah u furay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashadda Jubbland Mr. Axmed Cismaan Siyaax. Waxa uu marka hore soo dhaweeyay ka qayb-galayaasha kulanka ka soo qeybgalay wuxuuna u mahadceliyey hayadda EFASOM isagoo ku booriyey in ay ka faa’iideystaan fursadda oo ay ku dadaalaan Sare u qaadid tayada waxbarshada dugsiyada islamarkaana ay uga faa’iideeyaan walaalaha kale aan fursad u helin kulankaan.
Wuxuu yiri “Madaama aad tihiin bahdii waxbarshada iyo bulshada qeybaheeda kala duwan waa inaad maanta soo saartaan fikiradihii sare looga qaadid lahaa islamarkaana lagu tayeen lahaa dugsiyada Jubbaland:, “labadaa maalin waxaan idinka sugaynaa inaad wax fiican ka soo saartaan kulanka” ayuu raaciyey hadaladiisa.
Maalinta 1aad:
Ka qeyb-galayaasha waxay ka doodeen qodobo dhowr ah. Waxaan loo kala saaray ka afar kooxood. Waxaa loo dhiibay su’aalo si ay jawaab uga soo bixiyaan waxayna u dhacday shaqo Kooxeedkii sidatan:-
Agaasimaha kulanka, Mudane Cabdirisaq Sheik Maxamed “Daacad” wuxuu qeyb galayaasha waxaa u qeybiyey saddex kooxood:
Kooxda 1aad waxaa la weydiiyey:
Waa maxay caqabadaha hortaagan tayada waxbarashada ee Dugsiyada Hoose/Dhexe iyo sare ee Deegaanada Jubbaland?
- Manhaj mideysan oo aan jirin
- Macallin aan Tababarneyn.
- Waxbarashada oo qaab ganacsi loo eego islamrkaana ardayga fasalka laga bootiyo.
- Iskuulada oo aan lahayn qaybo ardayda baahiyaha gaarka wax lagu baro.
- Faqri ama saboolnimo ardada qaar iskuulada kaga haraan.
- Bulshada oo aan ku baraarug saneen ahmiyada waxbarashada.
- Iskuulada oo aan lahayn adeegyada aasaasiga sida:-
- A) Musqulo ku filan.
- B) Fasalo ku filan.
- C) Barxad carruurta ku nastaan.
Kooxda 2aad
Sidee lagu horumarin karaa tayada waxbarashada ee Dugsiyada Hoose/Dhexe iyo sare ee Deegaanada Jubbaland?
In la helo manhaj mideysan oo tayo sare leh.
Waa in la helaa macallimiin tayo leh oo dalkooda iyo dibad wax ku soo bartay.
Waa inay ahaataa luuqada uu wax ku baranaayo ardayga luuqad afka hooyo.
- Waa in ardaygu helaa wax kasta oo sahlaayo waxbarashadiisa Sida:- Sheybaar oo wax lagu baranaayo ama agabka waxbarashada sida maktabada buugaagta.
Waa inuu hagaagsan yahay xirriirka ka dhaxeeyo ardayga, waalidka iyo iskuulka.
Ardayga waxbarshada waa inuu ka heli karaa maadooyin kala duwan oo kor u qaadaayo hamagiisa sida farsmada gacanta.
Ardaydu waa inay wax ku bartaan meelo kala duwan sida dugsi Hoose, dugsi Dhexe iyo dugsi Sare aysan waxbarshada ku dhammaysan hal dugsi oo marka uu dugsi dhexe ka baxo waa inuu aadaa dugsi sare oo meel kale ku yaal.
Fasalka ardayda waa inaysan ka badan 25 ilaa 30 arday sababtoo ah macallinka wuu xakameyn karaa fasalka.
Kooxda 3aad
Sidee waxbarashada looga dhigi karaa mid dhammaan carruurta ay u siman yihiin si aan heyb sooc laheyn, mid ladan, mid sabool ah, mid naafo ah, gabar iyo wiil?
In la helo Maamul wanaagsan.
In la helo amni.
In la helo goob ku habboon baahiyaha waxbarashada.
In la helo macallimiin tayo iyo tababar ku habboon leh.
In la helo agab waxbarasho oo dhameystiran.
In la helo manhaj ku habboon waxbarashada ardayda kala duwan.
Maalinta 2aad:
Ka qeyb-galayaasha waxay ka doodeen qodobo dhowr ah. Waxaan loo kala saaray ka afar kooxood. Waxaa loo dhiibay su’aalo si ay jawaab uga soo bixiyaan waxayna u dhacday shaqo Kooxeedkii sidatan:-
Kooxada 1aad
Sidee sare loogu qaadi karaa tayada macallinka dugsiga hoose dhexe ee sare Jubbaland?
Hormarinta tayada macalkanka waa tiirka ugu muhiimsan ee hormarka ardayga iyo dugsiga waxaana sal u ah qodobadaan:-
- Waa in la siyaa tababar xirfadeed oo dhamaystiran
- Nolosha macallinka oo dhamaystiran
- Macallinku waa in uu helaa dhiirigalin
- Waa in si joogtaa loo qiimeeyaa hawl gudashada baraha
- Waa in uu helaa qalabka waxabarasho (Bare kaabe )
- Waa inuu helaa talo xiriir joogto ah dhanka waalidka iyo maamulka
- Macallinka waa in lagu dhiiri galiyaa isticmaalka dukumeentiga mihiimka u ah macalinka sida :
- Cashar diyaarinta (lesson plan )
- Qeybinta shaqada (schema of work )
- Wax u qabsoomay (Activity record )
Kooxda 2aad
Sidee lagu horumarin karaa maamulka iyo maareynta dugsiyada hoose,Dhexe iyo Sare ee deeganada Jubbaland?
- In la helo agabka waxbarashada oo dhamaystiran sida : makatab – laab
- In la helo macalin aqoon leh , islamarkaana tababaran
- In ay jirto isku xirnaan iyo wadashaqayn maamulka iskuulka iyo macaliminta
- In maamulka iskuulka uu nodo qof aqoon u leh nidaamka maamulka
Kooxda 3aad
Sidee lagu heli karaa warbixino sax ah eek u saabsan dugsiyada hoose, dhexe iyo sare ee deegaanada Jubbaland?
Waxaa lagu heli karaa warbixin saxda ah ee ku saabsan dugsiyada hoose dhexe / sare ee deeganada jubbaland
- Waa in la adeegsadaa qaabka xog aruurinta Education Management Information System {EMIS}
- Waa in la diyaariyo tuulka lagu soo arruurin lahaa xogta dugsiyada
- Waa in la helaa loojiistakadii fududeyn lahayd habka xog aruurinta
- Waa in la tababaro dadkii soo arruurin lahaa xogta
Kooxda 4aad
Sidee lagu midayn karaa imtixaanadka dugsiyada dhexee fasalka 8aad?
- In la helo amni wanaagsan
- In la helo xukuumad midaysan
- In la helo manhaj midaysan
- In la helo dhaqaale
- Daabacaada manhajka
- Tababarka macalimiinta
- Qaadista imtixaanaadka
- Xog mideysan in la helo
- In la badiyo doodaha kulmada imtixaanadka
- In la badiyo kormeerada iyo manhajka dhaqan galkiisa
- In la helo gacan amni ah oo lagu kalsoon karo
Gabogabo:
Ugu dambeyntii, Agaasime tacliinta sare ee farsamada gacanta dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Faarax Cali Aweys oo ka hadlay goobta ayaa sheegay in loo bahan yahay in laga qeeb qaato sidii loo tayeen lahaa iskuulaadka iyo Jaamacadaha Magaaladda Kismaayo.
Waxaa kulanka soo xiray Agaasimaha waaxda dugsiyada islamarkaana ah ku xigeenka Agaasmiha guud ee wasaaradda waxbarashada Jubbaland Muqtaar Cabdi C/llaahi ugu horreyntii wuxuuna u mahadceliyey ururka EFASOM oo soo qabanqaabiyey kulankaan, mar labaad waxaan u mahadcelinyaa ka qeybagalaaysha ka soo qeybgalay kulanka waxaana idinku boorinayaa mudadii aad labada berri aheyd oo aad ka doodeeyseen sare u qaadid tayada waxbarashada inaad ula noqotaan goobihii aad ka timaadeen islamarkaana walaalaha aan fursada u helin aad la wadaagtaan. Mida kale waxaan ururka EFASOM ka codsaneynaa haddii aan nahay wasaardda waxbarshada Jubbaland inaad nala wadaagtaan warbixinta ka soo baxday doodii labada maalin ahayd.