Guddomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Thabit Cabdi Maxamed ayaa Maanta Xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Turkiga u Fadhiya Soomaaaliya Olgan Bekar.
Labada Mas’uul ayaa ka wada hadlay horumarinta Caasimadda Muqdisho iyo sida ay iskula shaqeyn lahaayeen, islmarkaana ay isaga kaashan lahaayeen waxqabadkooda ku aadan casriyeynta Magaalada Muqdisho.
Turkiga aya ka mid ah Dowladaha sidaweyn u taageera Soomaaliya,isaga oo Gacanweyn ka geestay arrimo ay ka mid yihiin Amnia, Waxbarashada iyo Dhaqaalaha Intaba.
Hoos ka Daawo Sawirrada Kulanka.