Wararka naga oo gaaraya duleedka degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha hoose ayaa waxa ay sheegayaan in duleedka degmadaasi ay ku wada dagaalameen Ciidamo ka tirsan Al-Shabaab iyo Dad Shacab ah.
Maamulka degmada Baraawe ayaa sheegay in Goobta uu dagaalka ka dhacay ay 7km u jirto degmada Baraawe isla markaana Al-Shabaab ay laayeen dad Shcab ah sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu sheegay in intaasi kadib ay goobta gaareen Mamulka iyo Ciidamada dowladda haatana lagu howlan yahay sidii meydadka dadkii ay dileen loo aasi lahaa.
Macada weli waxa dhaliyay dagaalkaas,waxana gudoomiyaha degmada Baraawe Aadan cumar Madoobe uu sheegay in iminka Goobtii lagu dagaalamay ay gacanta ku hayaan ciidamada Dowladda Soomaaliya.
Hoos Ka Dhageyso Warbixinta Warkaan uu Afgooye ka soo diray Waraiyaheena Maxamed Cusmaan Ma’da